الأخبار و الإعلانات

XILWAREEJINTA JAAMACADA

Muqdisho, 18 Sebtembar 2025 – Waxaa xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee KM4 lagu qabtay munaasabadda xilwareejinta Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, oo ah Raktarka cusub, iyo Prof. Xasan Cusmaan Gacal, oo horey u hayay xilka. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay kamid ahaayeen, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ahna Kusimaha wasiirka, Marwo Nura Mustaf Gudow, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Mudane Daahir Shire, Sidoo kale waxaa goob joog ahaa xildhibaano, aqoonyahanno, agaasimayaal, hormuudyo, shaqaalaha Jaamacadda iyo marti sharaf kale. Intii ay munaasabadda socotay, waxaa lagu soo bandhigay muuqaal ka turjumayay waxqabadka Jaamacadda muddadii uu xilka hayay Raktarkii hore, iyadoo sidoo kale lagu xusay taariikhda qotada dheer ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo door muuqda ku leh dhismaha aqoonta dalka. Raktarka cusub ee Jaamacadda Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in Jaamacadda Ummadda aysan ku koobnaan doonin oo keliya soo saarista aqoonyahanno, balse ay si firfircoon uga qeyb qaadan doonto xalinta dhibaatooyinka heer qaran iyo la falgalka bulshada. Munaasabadda ayaa sidoo kale waxa laga jeediyay kalmado dhiirrigelin iyo bogaadin ah oo ay soo jeediyeen, Wasiiro, hormuudyo iyo xubno ka socday Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed

برعاية فخامة رئيس الجمهورية الجامعة تقيم حفل تخريج الدفعة الثانية والعشرين

برعاية فخامة رئيس الجمهورية الفيدرالية الصومالية الدكتور حسن شيخ محمود أقامت الجامعة الوطنية الصومالية حفلا بهيجا لتخريج الدفعة الثانية والعشرين 2024.
كما حضر الحفل معالي وزير التربية والثقافة والتعليم السيد فارح شيخ عبد القادر، ومدير الجامعة الوطنية الصومالية أ. د. حسن عثمان جعل ونواب مدير الجامعة، والعمداء والطاقم الإداري والأكاديمي في الجامعك وبعض كبار الشخصيات في الدولة.
وقد اشتمل الحفل على كلمات المشاركين، وفيلم للجامعة، وتكريم فخامة رئيس الجمهورية للطلبة المتفوقين.